Ciidamada Dowladda oo fashiliyey qarax Miino

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa fashiliyay Miino nooca Dhulka lagu aaso oo la dhigay inta u dhaxaysa Siinka Dheer iyo Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho,sida ay baahisay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya.

Dadka degaanka ayaa ciidanka ku soo wargaliyay in Al-Shabaab  wadada dhinaceeda ku aaseen qaraxa isla markaa ciidanka oo si dhaqso ah uga jawaabay fariintaa ay shacabka ka heleen,iyaga oo miinada soo saaray.

Saraakiil Ciidan ayaa sidoo kale Warbaahinta dowladda waxaa ay u sheegeen in Ciidamadu  qarxiyeen miinada,kadib markii ay dadka ka fogeeyeen goobta lagu Aasay.