Akhriso:-Nolosha Barcelona Kadib Lionel Messi

In alla intee kubada cagta ay jeclaan laheyd inuu Lionel Messi noqdo Peter Pan kubada cagta ma dhici doonto?

Peter Pan waa dabeecad khayaali ah oo ay abuureen qorayaal reer Scottish ah kaasoo u baxa Riwaayadeed, waxaana alifay J. M. Barrie.

Wxuu matalaaa Shaqigaan Wiil yar oo qalbi jilicsan oo duuli kara weligiisna aan korin, Peter Pan wuxuu matalaa qof aan laheyn mustaqbal aan dhamaad lahayn

Laakiin taas bedelkeeda  xiddiga Barcelona ayaa hal maalin iska siibi doona kabihiisa kubadda cagta, nasiib darro, laga yaabee inay dad badan ka xumaadan maalinkaas.

Messi ayaa 32 jirsaday sannadkan xitaa dhaqankiisa garoonka dhexdiisa ayaa isbedelay isagoo lumiyay dabacedahiisa dagananshaha lahaa.

Madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa ka hadlay sida Barcelona gali karto kadib nolosha Messi.

Akadeemiyada kooxda reer Catalonia ee caanka ah ee La Masia ayaa had iyo jeer soo saarta dhalinyaro tayo leh, hadaba waxaa la is wey don karaa yaa noqon kara dhaxalka Messi?

Ansu Fati

Isaguna ma gaari doono da,da 17jirka  illaa dhamaadka bisha Oktoobar, wuxuuna durba jebiyay rikoorrada ugu muhiimsan kooxda.

Fati wuxuu ka soo dhaqaaqay akadeemiga kooxda Sevilla wuxuuna u dhaqaaqay Barcelona markii uu ahaa 10-sano jir.

Xiddiga reer Spain ayaa horay ugu ciyaaray Barcelona lix jeer sidoo kalena wuxuu dhaliyay labo gool.

Wuxuu noqday gooldhaliyaha ugu da’da yaraa kooxda markii uu dhaliyay ciyaartii 2-2 ay la galeen kooxidisa Osasuna.

Carlos Perez

Ciyaaryahan kale oo helaya aqoonsi kooxda koowaad xilli ciyaareedkan ayuu noqday Perez, in kasta oo ay qasab ahayd inuu waqtigiisa qariyo.

Perez oo 21-sano jir ah wuxuuna waqtigiisa la qaatay kooxda B ee heerka labaad.

Waxa uu dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay Barcelona kulankii ay 5-2 ku garaacday Real Betis horaantii xilli ciyaareedkaan, wuxuuna sii waday inuu ku sii jiro shaxda koowaad.

Konrad de la Fuente

18 jirkan ayaa durbadiiba bilaabay inuu sumcad ku sameeyo darajooyinka da ‘yarta 17, U18 iyo U20s.

Waxaan ku biiray La Masia isagoo 13 jir ilaa uu usoo dalaco kooxda waaweynka ee Barcelona.

De la Fuente wuxuu sameeyay talaabooyinkiisii ugu horreeyay ee u ciyaarista Barcelona markii aan horumar ka sameeyay qeybta B

Wuuu labo sano ka weyn yahay Fati, waxaana loo arkayaa bedelka mustaqbalka dhaw ee Lional Messi..