War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay duqeyn ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Warka ayaa lagu sheegay ‘Howlgal aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu bartimaameedsaday xarumo muhiim ah oo Khawaarijta ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee xarunta gobalka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin.”
Howlgalkaan ayaa waxaa lagu burburiyay dhammaan goobaha la beedsaday, waxaana jira khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha cadowga, kuwaas oo wali dowladdu ay ku wado tirokoob.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri”Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo kale oo bartimaameed ah waxay ku burburiyeen fariisimihii ugu muhiimsanaa cadowga Khawaarijta ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaala xadka gobalada Sheeballaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose.”.




