Maxay ka wadahadleen Saciid Deni iyo James Swan?.

Madaxweynaha Maamulka  Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo, Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

Qaramada Midoobey ayaa boggaadisay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo dadaalka ay Puntland ku bixisay hawlgalka qorsheysan ee Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad, ee gobolka Bari.

Sidoo kale Kulanka ayaa looga hadlay Amniga Guud, Mashaariicda horumarin iyo bani’aadantinimo ee Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.