Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Dhanaane iyo Gandarshe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaas ayaa lagu dilay horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaannadaasi, sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Inkastoo aan la shaacin magaca sarkaalka la dilay, wararka madax-bannaan ayaa sheegaya inuu dhacay iska horimaad u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo sarkaalka Al-shabaab, taasoo keentay geeridiisa.
Ma cadda in sarkaalkaasi uu la socday ilaaladiisa ama haddii iyaguna waxyeello soo gaartay.
Ciidanka NISA ayaa dhawaan kordhiyay howlgalka ay ku bartilmaameedsanayaan horjoogayaasha sare ee Al-shabaab. Todobaadyo ka hor ayay howlgal kale oo ay ka fuliyeen deegaanka Sabiid ku dileen horjooge sare oo kooxda u qaabilsanaa qorsheynta weerarrada hoobiyeyaasha tan iyo sanadkii 2023.



