Dhageyso:- DFS oo heshiis cusub la gashay Shirkaddo ka kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya

Wasiirka Wasaarada kalluumeysiga iyo dhaqaalaha  balluuga ee xukumadda Federaalka Soomaaliya  Axmed  Xasan Aadan ayaa faah faahin ka bixiyay  heshiis  ay xukuumada Soomaaliya la gashay shirkaddo Shiinees ah si ay  uga kalluumeystaan xeebaha Soomaaliya

Wasiirka kalluumeysiga Xukuumaada Soomaaliya  ayaa sheegay  in heshiiskan  shirkadaha shiineeska lala galay  sanadkii  2018ikìi uuna ku ekaa sanadkii  2022 balse dib loo cusbooneysiiyay.

Wasiirka ayaa in shirkadah kalluumeysiga Shiineeska ee heshiiska Xukuumadda Soomaaliya ay la gashay loogu ogoladaay shirkadahaasi inay qaataan hal nooc kalluunka ka mid  ee tuunah loo yaqaan.