Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar ay sheeegtay in ciidamada Suudaan ay ku qaadeen Safaaradda dowladda Imaaraadka Carabta ee Magaalada Khartuum.
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu yiri”
Dowladda federaalka Soomaaliya waxay cadeynaysaa sida ay uga xuntay weerarka lagu qaaday safaradda dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka ay ku leedahay Khartuum, waxaana adkeynaynaa sida aan u diidanahay kutumashada qaanuunka diplamaasiyadeed”