Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Muqdisho Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa Gudoomiyaha kala hadlay sidii gurmad deg-deg ah loo gaarsiin lahaa Bulshada Beledweyne oo ku barakacay Fatahaada uu geystay Wabiga Shabelle.
Madaxweyne ku kigeenka ayaa ugu baaqay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Qurbajoogta iyo Hay’adaha Samafalka inay u gurmadaan dadka fatahaada ku barakay.



