Degmada Yaaqshiid oo loo magacaabay gudoomiye cusub

Degmada Yaaqshiid ee Gobolkaani Banaadir ayaa loo magacaabay Gudoomiye cusub kadib markii gudoomiyihii hore degmadaasi lagu sameeyay shaqo joojin.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow ayaa lagu magacaabay gudoomiyaha cusub ee Yaaqshiid yeelanayso.

Gudoomiyaha cusuab ee Degmada Yaaqshiid maanta loo magacaabay ayaa ah Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed, waxaana xusid mudan in gudoomiye Cabdiweli uu horaan u ahaa Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyihii hore ee Yaaqshiid Geedoow ayaa la sheegay in shaqo joojin loogu sameeyay sababa la xiriira musuq maasuq lagu soo eedayay.