Waxaa dhawaan la shaaciyay Xildhibaanada cusub ee maamulka Puntland kuwaasi oo lagu wado in ay dhawaan doortaan madaxweynaha majaraha u qaban doona maamulkaasi.
Tirada guud ee xidlhibaanada oo ay guddiga doorashooyinka maamulka Puntland shaaciyeen ayaa ah 66 xildhibaano, waxaana laga soo xulay dhamaan deegaanada maamulkaasi uu ka koobanyahay.
Waxa ku jirta hal gabar oo kaliya oo laga soo xulay gobolka Sool, waxaana lagu magacaabaa Nimco Cabdi Caarshe.
Halkaan hoose ka akhriso magacyada xildhibaanada cusub ee maamulka Puntland.





