Deg Deg: Kooxo hubeysan oo caawa dil ka geystay magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya caawa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow la dilay Xildhibaan Siciid Xeyle oo kamid ahaa mudanayaasha Golaha deegaanka ee magaaladaasi.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in xildhibaanka ay ku dileen xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana kooxihii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa ka mid ah xaafadaha inta badan ay dilalka ka dhacaan.

Laamaha Amniga ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.

Maamulka gobolka Mudug ayaanan weli ka hadlin dilkan caawa magaalada Gaalkacyo loogu geystay Xildhibaan Siciid Xeyle oo kamid ahaa mudanayaasha Golaha deegaanka ee magaaladaasi.