DEG DEG: Xeerilaaliyihii Maxkamada Ciidamada Puntland oo Boosaaso lagu toogtay

Kooxo hubeysan ayaa goordhow Magaalada Boosaaso waxa ay ku toogteen Xeerilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada  Puntland .

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Afaafka hore ee xarunta Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Magaalada Boosaaso oo aanan sidaasi uga fogeyn Taliska Qaybta Booliska.

Wararka waxa ay sheegayaan rag hubaysan oo Bistoolado sita inay toogteen Cabdi Kariin Xasan (Firdhiye)  xilli uu hortaagnaa Xarunta Maxkamada horteeda.

Magaalada Boosaaso ayaa maalimihii lasoo dhaafay waxaa kusoo badanayay dilka qorshaysan ee loo geysanayo Madaxda Sar sare ee gobolka Bari.

Dhawaan Boosaaso waxaa lagu toogtay agaasimihii Madaxtooyada Magaalada Boosaaso .

Sidoo kale Magaalada ayaa bishaan gudaheeda waxaa lagu dilay taliye ku xigeenkii Sadexaad ee ciidanka Booliska Puntland .