All ha u naxariistee, Xeer ilaaliyihii maxkamada ciidanka Puntland Col. Cabdikariim Xasan Firdhiye(Hoori) ayaa Maanta Kooxo hubeysan waxa ay ku toogteen Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Dilka ayaa ka dhacay Hotelka Bootaan oo ku yaalla Bartamaha Magaalada Boosaaso.
Goobta lagu toogtay Col. Cabdikariim Xasan Firdhiye(Hoori) ayaa waxaa ku dhow Saldhig weyn ee Magaalada Boosaaso.
Kooxo hubaysan oo Bistoolado sita ayaa dilka fuliyay waxaana Wararka Qaar ay sheegayaan in gacanta lagu dhigay Kooxihii dilka Geystay .
Magaalada Boosaaso ayaa maalimihii lasoo dhaafay waxaa kusoo badanayay dilalka qorshaysan ee loo geysanayo Madaxda Sar sare ee Puntland.
Dhawaan Boosaaso waxaa lagu toogtay agaasimihii Madaxtooyada Magaalada Boosaaso .
Sidoo kale Magaalada ayaa bishaan gudaheeda waxaa lagu dilay taliye ku xigeenkii Sadexaad ee ciidanka Booliska Puntland .


