DEG DEG: Weerar ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Ceel-Gaabta ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay Weerar ku qaadeen Sarkaal ka tirsan ciidanka Hay’adda Nabad Suggida iyo sirdoonka Qaranka.

Sarkaalka Weerarka lagu qaaday ayaa lagu magacaabaa Xasan Dheere.

Kooxo hubeysan oo Watay Gaari ayaa hordhigtay Gaariga uu saarnaa Sarkaalkaasi, waxaana ay ku fureen Xabado sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal.

Xasan Dheere ayaa waxaa soo gaaray Dhaawac.

Sidoo kale Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya