Kooxo Hubeysan oo Watay Gaari ayaa Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Isgoyska Ceel Gaabta waxaa ay ku dhaawaceen Taliye ku xigeenkii hore Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Generaal Xasan Dheere.
Kooxo hubeysan oo Watay Gaari ayaa hordhigtay Gaariga uu saarnaa Xasan Dheere waxaana ay ku fureen Xabado sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal.
Weerarkaasi ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Darawalkii Xasan Dheere , waxaana sidoo kale ku dhintay hal Askari.
Kooxihii Weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday , waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.


