Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Tarbuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi ay ka dhacday Isrsaaseyn.
Isrsaaseyntan oo dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray dad halkaasi ku sugnaa.
Maamulka Idaacadda Shabeelle ayaa Risaala u xaqiijiyay Israaseyntaas dadka ku dhaawacmay in uu ka mid ahaa Wariye Mahad Maxamed C/raxmaan (Mutawakil) oo ka tirsan shaqaalaha Shabeelle.
Dhaawaca Wariye Mutawakil ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladiisa caafimaad loogu dadaalo.
Wariyaha ayaa la sheegay in Rasaasta ay ka haleeshay Gacanta, sida ay inoo xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.
Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta ay ka dhacday Israsaaseynta, waxaana ay halkaasi ku kala qaadeen Ciidamadii Israsaaseeyay.


