Toogasho ka dhacday Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Ruux Shacab ahaa ay ku Dileen Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Risaala.net ayaa waxuu sheegay in Dabley ku hubeysnaa bistoolado ay toogasho ku Dileen ruux nin ah oo ka mid ahaa dadka kunool Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir.

Waxuu sidoo kale xusay in Kooxihii ka dambeeyay falkaasi Dilka ahaa ay goobta isaga baxsadeen.

Weli ma cadda sababta ka dambeysa Dilka Marxuumka

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.