Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay howlgallo waxa ay bilaabeen degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan.
Howlgallada xoogooda ayaa laga sameeyay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Buula Burde iyo jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in soo gaareen degaano badan oo hoos yimaada degmooyinka Jalalaqsi iyo sidoo kale Buulaburde oo aysan horay u joogin.
Howlgallada ayaa intii ay socdeen waxaa lagu soo qabtay dad lagu tuhmaayo in ay xiriir lala leeyihiin dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in dadkaasi oo tiradooda dhan tahay 8 ruux baaritaan lagu waddo.


