Qarax Gaari oo Muqdisho ka dhacay

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir ee  Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaw uu dhacay qarax aad u xoogan, qaraxaasi oo ah gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhaw Saldhiga Degmada Wadajir, kadib markii gaari waxyaabaha qarxa ka buuxaan ciidamada ammaanka ay qabteen.

Saraakiil ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya ayaa  Risaala  waxa ay u xaqiijiyeen in gaariga oo yaalay Banaanka Saldhiga Degmada Wadajir mar kaliya uu qarxay.

Sidoo kale Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay ninkii waday gaariga Qarxay.

Askar ka tirsan Ciidamada dowladda oo goobta joogay ayay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxaasi.