Sida ay Risaala u sheegeen maamulka gobolka Hiiraan dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Maleeshiyo beeleed ayaa hadda ka socda Xaafadda howlwadaag ee Magaalada Baledweyne .
Dagaalka ayaa la sheegaya in uu yahay mid xoogan , islamarkaana hubka noociyadiisa kala duwan la isku adeegsanaayo.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada dowladda Soomaaliya ay isku dayeen in ay halkaasi ka dhisaan Saldhig,islamarkaana Maleeshiyaadka ay ka horyimaadeen.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in ay waddaan dadaallo kala duwan oo dagaalka lagu hakinaayo.


