Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Waaberi gaar ahaan Isgoyska Dabka ayaa waxa ay sheegayaan in 2 Qarax ay ka dhaceen agagaarka saldhiga degmada Waaberi.
Qaraxyada ayaa la sheegay in in la geliyay meel Qashin uu yaalay, iyadoo Qaraxyada ay geysteen khasaare.
Goob jooge la hadlay Risaala ayaa sheegay in goobta ay soo gaareen ciidamada amaanka, sidoo kalena la xiray goobihii ganacsi ee halkaasi ka dhowaa.
Faah faahin kala soco Risaala.net



