DEG DEG: Qarax lala eegtay AMISOM

Sh/Dhexe-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan meel 45-KM ujirta Degmada Mahadaay in Qarax lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM.

Qaraxan ayaa la sheegay nuuciisa in uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso, waxaana uu qabsaday mid ka mid ah Gawaarida ay wateen Ciidanka AMISOM, sida ay Risaala u sheegeen dadka Deegaanka.

Ciidanka AMISOM ee Qaraxa lala eegtay ayaa waxaa la sheegay in ay Raashiin u wadeen Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo saldhig ku leh Deegaanka Ceelbaraf.

War Shabaab ay ku soo qoreen Baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada Qaraxa Ciidanka AMISOM lagula eegtay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

AMISOM weli kama aysan hadlin Qaraxan ay Shabaab sheegteen kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM in ay kula eegteen Gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan meel 45-KM ujirta Degmada Mahadaay.