Xiisad caawa ka taagan Guriceel

Guriceel-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, kadib markii Askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Ahlu sunna uu si bareer ah u dilay Qof shacab ah.

Dilkan ayaa yimid kadib markii Askariga Ahlu sunna ka tirsan iyo Qofka la dilay uu muran dhexmaray, kadiban Rasaas lagu furay Qofkii rayidka ahaa, waxaana xiisada ay caawa u dhaxeysaa Maamulka Ahlu sunna iyo dadka deegaanka gaar ahaan Ehelada Marxuumka

Askariga dilka geystay ayaa waxaa gacanta ku dhigay Maamulka Ahlu sunna, waxaana dadka deegaanka ay ku doodayaan in Askariga la keeno goobta lagu dilay Marxuumka oo ay sheegeen in Meydka uu yaalayo ilaa laga keeno Askariga dilka fuliyay.

Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Degmada Guriceel ayaa wada kulamo lagu xalinayo xiisada ka taagan Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo Maamulka Ahlu sunna uusan weli ka hadlin falkan ka dhacay Degmada Guriceel.