Qandala-RisaalaFM- Magaalo xeebeedka Qandala oo xalay fiidkii ay ku soo dhawaadeen maraakiib Dagaal oo ay wataan Ciidamada NATO ayaa waxaa la sheegayaa in halkaasi ay ka dhacday Duqeyn.
Mid ka mid dadka Deegaanka oo la halday Risaala ayaa sheegay Duqeynta in ay fuliyeen Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan xeebta Magaalada Qandala waxaana la sheegay bartilmaameedkooda in uu ahaa Daacishta ku sugan Magaalada Qandala.
Ilaa iyo hada si rasmi ah looma xaqiijin karo Duqeynta ay Magaalo xeebeedka Qandala ka fuliyeen Maraakiibtan ay wataan Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.
Gudoomiyaha Degmada Qandala oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay in Duqeyntan ay jirto, sidoo kalena Degmada Qandala dadkii deganaa ay ka soo barakaceen oo shalay ilaa iyo maanta Dooman lagu geynayay Magaalada Boosaaso iyo Magaalooyin kale.
Wuxuu sheegay Maamulka Puntland in uu wado dadaalo dib ay ugula wareegayaan Degmada Qandala ee Gobolka Bari, oo hada ay gacanta ku hayaan kooxda Daacish.


