DEG DEG: Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Degmada Waaberi

Wararka naga soo gaaraya Wadada Afasiyooni  ee Degmada Waaberi, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay Qarax Khasaare u geystay dad shacab ah.

Qaraxan oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu ahaa miino lagu aasay halkaasi, halka wararka qaarna ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid gaari saarnaa.

Qof ku sugan Degmada Waaberi gaar ahaan Suuqa Beerta oo aad u qal qalsanaa, islamarkaana joogay goobta ay wax ka dhaceen, ayaa  Risaala u sheegay in halkaasi ay yaalaan dad badan oo meyd ah oo qaraxa waxyeelo ay ka soo gaartay.