Qarax khasaare geystay ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Waabari nawaaxiga Wadada Afisyooni.
Qarax ayaa la sheegaya in uu ka dhacay Barkontarool oo ay la haayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari sida ay inoo sheegeen dad goobjoogaal ah.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegaya in saacado ka hor uu maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xarun cusub oo ay furatay Jaamacadda Umada Soomaaliyeed Khudbad ka jeedinaayay ayaa sheegay in la qabtay ninkii ka dambeeyay Qaraxa.
Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa Asna sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkii watay gaariga qarxay, islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.


