Wafdi uu hogaaminayo wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa maanta tagay magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah maamulka Galmudug.
Michael Keating iyo wefdi uu hogaaminayay, ayaa waxaa magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno kale oo maamulka Galmudug ka tirsan.
Safarka Mr Michael Keating uu ku tagay magaalada Cadaado ayaa waxaa ujeedadooda tahay doorashada Aqalka Hoose oo ka socota Magaalada Cadaado iyo sidoo kale Musuq maasuqyada la sheegaayo in ay dhaceen intii ay socdeen doorashooyinka.
Mr Michael Keating ayaa la kulmay Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guleed , Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay , saraakiisha ciidanka dowladda.



