Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhaxeeya labo Maleeshiyo beeleed uu ka socda Duleedka Magaalada Baledweyne.
Dagaalka ayaa la sheegaya in uu yahay mid xoogan , islamarkaana hubka noociyadiisa kala duwan la isku adeegsanaayo.
Dagaalka oo ka bilowday duuleedka Beledweyne ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan la ogeyn halka uu gaarsiisan yahay Khasaarahaasi.
Wararka sidoo kale naga soo gaaraaya Duleedka Magaalada Baledweyne ayaa waxa ay sheegayaan in masuuliyiin isugu jira heer gobol iyo heer degmo oo ay wehliyaan saraakiisha ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ku baxeen dagaalka.


