Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax loo adeegsaday gaari lagu xiray  waxyaabaha Qarxa ayaa goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Beerta Nabadda dhanka Hoteel Muno, waxaana jira Khasaare ka dhashay Sidda Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Gaariga ayaa yaallay meel Labaajo ah oo lagu dhaqaayay, waxaana la sheegay in uu ku dhintay ruux dhaqaayay, waxaa sidoo kale jira Dhaawacyo.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa qabsaday Uuro iyo Qiiq xooggan, waxaana hadda socda badbaadinta dadkii ay waxyeelado soo gaartay.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net