Madaxweyne Farmaajo oo berrito u safraya dalka Itoobiya

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalinta berri u safraya magaalada Bahr Dar ee Caasimadda Gobolka Ismaamulka Amxaarada Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu  ka qeyb galo kulankii Labaad oo ay yeelanayaan Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kaga qayb geli doona Shir Saddex geesood ah oo uu halkaasi kula yeelanayo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki.

Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eretrea Laba Bil ka hor.