Muqdisho-RisaalaFM- Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo lagu weeraray saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxan ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana Qaraxan uu saameyn ku yeeshay dhismaha saldhiga iyo sidoo kale guryaha halkaasi ka akdhow.
Inta la ogyahay 6 Qof oo isugu jira Askar iyo dad shacab ah ayaa ku geeryootay Qaraxaasi, kuwaasi oo marayay wadada laamiga ah ee Saldhiga uu ku yaallo, xilliga uu qaraxa dhacayay, Askartana waxa ay ku sugnaayeen Saldhiga Degmada Waaberi.
Sidoo kale dadka ku dhaawacmay Qaraxan ayaa la sheegay in ay kor u dhaafayaan 10 Qof, kuwaasi oo qaarkood watay Gaadiid, xilliga uu Qaraxa dhacayay wadada marayay.
Tilmaan ahaan saldhiga degmada Waaberi ayaa waxa uu ku yaallaa Isgoyska Dabka, gaar ahaan wadada aada dhanka KM4.
Wadadan Qaraxa uu ka dhacay ayaa ah mid aad u mashquul badan, maadaama wadadan ay isticmaalaan Gaadiid fara badan, sidoo kalena ay leedahay goobo badan oo Ciidamada ay Gaadiidka ku baaraan.



