Weeraryahanka Roma Mohamed Salah waxa uu hadda marayaa tijaabada caafimaadka kooxda Liverpool sida ilo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan.
Salah ayaa £ 34m ugu dhaqaaqay kooxda Liverpool sida ay xaqiijinayaan ilo katirsan wargeyska Sky Sporys.
25-sano jirkaan ayaa booqan doona garoonka tababarka Liverpool ee Melwood, halkaasoo si rasmi ah loogu soo bandhigi doono.
Xiddigii hore ee kooxaha Basel iyo Chelsea Salah, ayaa bartilmaameed muddo u ahaa kooxda Liverpool, iyadoo laga soo diiday dalab £ 28m ahaa horaantii bishaan.
Laakiin wadahadalo u dhexeeyay labada koox ayaa keentay in la isku fahmo heshiis ku kacaya £ 35m inuu ugu biiro Liverpool xiddiga caalamiga ah ee dalka Masar.



