Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Wadajir gaar ahaan Suuqa Weyn ayaa waxa ay sheegayaan in Bambo gacmeed lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo marayay halkaasi.
Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen 3 Qof halka walina aan la xaqiijin dhimashada Qaraxaasi ka dhalatay.
Goob jooge ayaa Idaacadda Risaala usheegay in Qaraxa uu dhacay Barkhanimadii maanta sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 3 Qof.
Sidoo kale Goob joogaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda Qaraxa kadib ay fureen Rasaas, laakiin aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen.
Maamulka degmada Wadajir ayaan weli ka hadlin Qaraxa ka dhacay Suuq Weyn ee degmadaasi.


