Faah faahin:- Qarax caawa ka dhacay Buuhoodle (SAWIRRO)

Buuhoodle-RisaalaFM- Wararka aan ka heleyno magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa waxa ay sheegayaan in caawa fiidkii halkaasi uu ka dhacay qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay, kaasi oo si weyn looga maqlay magaaladaasi.

Masuuliyiinta magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay sheegeen nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray inuu beegsaday gaari NOAH ah oo ay wateen dad masuuliyiin ah.

Ilaa Saddex qof oo ay ka mid yihiin Wasiirki hore ee arrimaha gudaha maamulka khaatuma Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Maxamed Cali oo la taliye u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qaraxan.

Madaxweyne ku-xigeenka Khaatuma Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay goobta uu qaraxa ka dhacay meel aan ka fogeyn Masjidka Jaamaca ee Buuhoodle, islamarkaana khasaaraha qaraxan uu gaarsisan yahay ilaa Saddex qof oo dhimasho ah, dhaawacana uu intaas ka badan yahay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah meel aad u mashquul badan ayaa waxaa gaaray ciidan aad u hubeysan, kuwaasi oo dadka u diidaya inay halkaasi u soo dhawaadaan, waxayna wadaan hawlgal amni xaqiijin ah.

Gacan ku heynta magaalada Buuhoodle waxaa isku bed bedela maamulada Khaatuma iyo Somaliland, iyada oo ilaa hadda aanay jirin cid si sax ah gacanta ugu heysa.