Deg Deg: Nabadoon lagu dhaawacay degmada Caabudwaaq

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay goordhaw dhaawaceen Nabadoon Muuse Geelle oo ka mid ah waxgaradka gobolka Galgaduud.

Kooxihii dhaawaca u geystay Nabadoonka ayaa la sheegay in ay baxsadeen sida ay Risaala u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Nabadoonka ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa waxgaradka ugu caansan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dhaawaca Nabadoonka ayaa la geeyay isbitaalka degmada Caabudwaaq , halkaasi oo lagu la tacaalaayo xaaladiisa caafimaad.