Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Baled weyne waxa uu sheegay in ay kasoo horjeedaan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ay gogoshiiso taalo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay hadii ay yihiin maamulka Gobolka Hiiraan in aysan diyaar u aheyn in ay ka qeyb galaan shirka magaalada Jowhar.
Waxa uu xusay in maamulka gobolka Hiiraan ay qaadaceen Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku sugnaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaana uu maanta dib ugu laabtay magaalada Baledweyne.
Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa horay u diiday ka qeyb galka Shirka maamulka loogu sameynaayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe , waxaana ay ku doodaayaan in Hiiraan laga dhigo laba gobol ka dibna maamul loo sameeyo.


