Beledweyne-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Baar oo ku yaalla Duleedka Magaalada Beledweyne ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi lagu arkay Meydka Ruux la gowracay.
Meydka Ruuxa la gowracay oo ah Nin ayaa la sheegay in Da’ahaan uu jiro 30 Sano, waxaana ilaa iyo hada aanan la ogeyn cida falkaasi geystay.
Dadka Deegaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in arintan ay ku abuurtay cabsi iyo sidoo kale walaac, maadaama xaalada amni ee Deegaankaasi ay tahay mid aan lagu kalsoonaan karin.
Wariyaha Risaala ee Magaalada Beledweyne ayaa soo sheegaya in halkaasi ay gaareen qaar ka mid ah Dadka Deegaanka, si ay u soo qaadaan Meydka Ruuxaasi.


