Kenya oo iska fogeysay eedeyn uga timid NRC

Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay eedeyn uga timid Hay’ada safka hore kaga jirta daryeelka Qaxootiga, Norwegian Refugee Council (NRC), taas oo ku aadaneyd in si Qasab ah Kenya ay ku soo celiso Qaxootiga ku jira xerada Dhadhaab oo ah xerada ugu weyn ee Dunida, waxaana NRC ay sheegtay in arintan ay tahay mid xad gudub ku ah sharciga Caalamiga ah.

Afhayeen u hadlay Dowladda Kenya ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay, waxaana uu sheegay in mar walba Hay’adaha gar gaarka Kenya ay ka qoraan warbixino been abuur ah, ama eedeyn ah oo sal iyo raad midna aan laheyn.

Wuxuu sheegay in Kenya ay dhowreyso heshiiska caalamiga ah ee ay kala saxiixdeen Dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

Warbixin dhowaan ay soo saartay NRC ayaa lagu sheegay Qaxootiga ku noqonaya Soomaaliya in aanay helin ilaalo ku filan.

Bishii August ayaa 74% Soomaalida Qaxootiga ah ee Dhadhaab ku jiraa waxa ay sheegeen in aanay doonayn in ay noqdaan, sababta ugu wayn ee ay sheegeena ahayd nabad gelyo darrada ka jirta Soomaaliya.

Xerada Dhadhaab waxa la furay sannadkii 1991 si ay hoy ugu noqoto qoysaskii ka soo qaxayay colaada Soomaaliya, dadka qaarkoodna ilaa maalintaa sidii bay ugu noolaayeen muddo ka badan 20 sanadood.