DHAGEYSO: K/Galbeed “Shabaab dhibaato ayay ku hayaan shacabka Sh/Hoose”

Baydhabo-RisaalaFM- Inkastoo Maamulka Koonfur Galbeed uu qorsheynayo in uu u guuro caasimadiisa rasmiga ee ah Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa hadana Deegaano ka tirsan Gobolkaas weli gacanta ku haya ururka Al-shabaab ee ka soo horjeeda Maamulka Koonfur Galbeed, sidoo kalena Dagaalka kula jira Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hada wada dadaalo ay ku doonayaan in Shabaab ay kaga saaraan guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi ayaa wuxuu sheegay in qorshaha uu yahay in Shabaab guud ahaan laga saaro Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugaas Xasan Cabdi Wasiirka Warfaafinta Maamulak Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale Shabaab ku eedeeyay in ay dhibaato badan ku hayaan dadka ku nool Gobolka Shabeelaha Hoose.