Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax Khasaare geystay Duleedka Magaalada Balcad lagula eegtay Kolonyo uu hoggaaminaayay Gudoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe.
Qaraxa oo ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso ayaa qabsatay Mid ka mid ah Gaadiidkii la socday Gudoomiye ku xigeenka, waxaana la xaqiijiyay dhimashada Saddex Ruux oo ka mid yahay Wasiir hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye iyo Xasan Axmed Cosoble oo ka mid ahaa Shaqaallaha Hay’addaha Gargaarka.
Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Qaraxa dhowr qof sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net


