Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu ka dhacay Magaalada.
Ciidanka ayaa Saaka xilli hore ku dagaallamay meel u dhow Garoonka Dhuusamareeb oo ay Saldhig ku leeyihiin Ciidanka Danab.
Hal Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay iska horimaadka, waxaana sidoo kale goobta gaaray Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.
Magalada Dhuusamareeb ayaa horay siddaan oo kale waxaa uga dhacay iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamo kala tirsan Booliska iyo Nabadsuggida Soomaaliya.



