DEG DEG: Kenya oo Ciidan u dirtay Kulbiyow

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Ciidamo dheeraad ah u dirtay Degaanka Kulbiyow oo saakay Shabaab ay ku qaadeen weerar isugu jiray Qaraxyo sidoo kale mid toos ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Kenya ayaa sheegay in Ciidamo aad u badan ay u direen goobta uu weerarku ka dhacay.

Waxaa uu sheegay in saakay aroortii Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhiga Ciidanka Dowladda Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu jiro khasaare, maadaama Dagaalyahanada Shabaab ay gudaha u soo galeen saldhiga Ciidamada.

Ciidamada Kenya ee loo diray Degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa la socda kooxda gar gaarka deg deg ah, si ay u caawiyaan Ciidanka Kenya ee ku dhaawacmay Dagaalka.