DEG DEG: Juventus Oo Xaqiijisay In Mattia De Sciglio Caafimaadka Mari Doono Maanta

Juventus ayaa xaqiijisay in uu soo gaaray magaalada Torin daafaca AC Milan Mattia De Sciglio , waxaana uu mari doona maanta tijaabada caafimaadka.

De Sciglio ayaa ka dagay magaalada Tourin , si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu dhaqaaqayo kooxda Juve.

Bogga Tuwiterka ee Bianconeri ayaa lagu shaaciyay in 24-sano jirkaan uu tijaabada caafimaadka ka gudbi doono gelinka dambe ee maanta oo arbaco ah.

Kooxda Old Lady ayaa la filayaa in ay bixiyaan qiimo € 12m ah, si ay u dhameystiraan saxiixa daafaca Italy Mattia De Sciglio.