DEG DEG: Hugo Lloris Oo Qandaraas Cusub U Saxiixay Kooxdiisa Tottenham

Goolhaye Hugo Lloris ayaa saxiixay heshiis cusub oo uu kooxda Tottenham Hotspur kula joogayo ilaa 2022.

29-sano jirkaan kabtanka u ah kooxda Spurs, ayaa 151 kulan u saftay Premier League kooxdiisa tan iyo markii uu kaga soo biiray Lyon £ 8m bishii August 2012.

Qandaraaskii hore ee xididga xulka France ayaa dhacayay 2019, waxaana mushaar ahaan uu u qaadan jiray £ 80,000 toddobaadkii.

Sidookale Weeraryahanka kooxda Spurs Harry Kane ayaa heshiis cusub saxiixay horaantii bishan taasoo ka dhigan in Tottenham ay ceshatay ciyaaartooydeeda muhiimka ah.