DEG DEG: Haweenay lagu toogtay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Siinaay ee Degmada Warta-nabadda waxaa casir liiqii maanta lagu toogtay Haweeney suuqa Ganacsi ku laheyd.

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa Suuqa Siinaay waxa ay ku toogteen Hooyo Xaliimo Cabdi Xayle oo suuqaasi ku iibin jirtay dharka Huudheyda, sida ay Risaala u sheegeen dadka Degaanka.

Sarkaal ka tirsan NISA ayaa warbaahinta Risaala ee Magaalada Muqdisho u sheegay raggii dilka geystay in ay baxsadeen oo Ciidamadana ay ku raad joogaan.

Ciidana ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa waxa ay halkaasi ka wadaan baaritaano la xiriira dilkan.