Jowhar-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle gaar ahaan kuwa taageersan Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble ayaa xalay sheegay in ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Sheekh Cusmaan Barre Maxamed.
Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ayaa kulankooda waxaa soo xaadirtay 54 xildhibaan, waxaa ogolaatay in Sheekh Cusmaan xilka laga qaado 52, halka midna uu diiday, midka kalena uu ka aamusay.
Isla markii xildhibaanada ayaa guda galay Doorasho ay u qabteen ilaa Saddex shakhsi, kuwaasi u tartamay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeele, maadaama Sheekh Cusmaan ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen.
Maxamed C/raxmaan Khayre, Axmed Cabdi Cali, iyo Axmed Cabdi Faarax ayaa lagu kala magacaabaa Saddexda Qof ee u tartantay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.
Xildhibaanada ayaa u kala codeeyay Saddexdaas Qof, Maxamed C/raxmaan Khayre ayaa helay 11 cod, Axmed Cabdi Cali aya helay 35 cod, halka Axmed Cabdi Faarax uu helay 8 cod, waxaana ugu dambeyn sidaasi ku guuleystay Axmed Cabdi Cali.
Intaasi kadib xildhibaanada ayaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxa ay u doorteen C/raxmaan Cabd, halka Maxamed C/laahi ay u doorteen Guddoomiye ku xigeenka Labaad.
Xaaji Cabdulle Isgoowe oo isku sheegay in uu yahay Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Doorashada Guddoonka Hirshabeelle ayaa faah faahinaya qaabka ay u dhacday Doorashada.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay Guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo ku laabtay Jowhar uu taageeray xilka qaadistii Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble, kaasi oo maalin kahor xildhibaano kulan ku yeeshay Jowhar ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen.


