Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi lagu dilay Nin Ganacsade ahaa.
Goobjooge ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa Risaala u sheegay ninka la dilay in uu ka mid ahaa Ganacsatada suuqa Bakaaraha, waxaana magaciisa lagu soo koobay Tanaas.
Kooxo ku hubeysan Bastooldo ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Ganacsadaha, waxaana ay ka toogteen qeybta sare ee jirkiisa, kadib goobta ayay ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan, sida uu dilka u dhacay.


