Mudug-RisaalaFM- Dagaal u dhaxeeyay xoolo dhaqato ka soo kala jeeda Degaanada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ka dhacay Degaanka Bali-busle ee Gobolka Mudug.
Dagaalkan ayaa waxa uu ahaa mid labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka nuucyadisa kala duwan, waxaana uu socday mudo saacado ah.
Inta la xaqiijiyay Dagaalkan ayaa waxaa ku geeryootay 4 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.
Wakiil Wareedka Radio Risaala ee Degaanada Puntland Maxamed Muxudiin (Saxansaxo) ayaa waxa uu qadka Telefpoonka ugu waramay Feysal C/laahi Maxamuud oo Risaala ka tirsan.


