Wariye Hargeysa ku xirnaa oo cafis loo fidiyay

Hargeysa-RisaalaFM- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis u fidiyay Suxufi Samafale ah, kaasi oo lagu magacaabo C/malik Muuse Coldoon.

Wariye C/malik Muuse Coldoon ayaa Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa waxa ay horey ugu xukuntay Labo sano oo xarig ah.

C/maalik oo 15-kii Febraayo lagu xiray ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu ku kacay falal ku lidi ah Maamulka Somaliland.

Odayaasha Dhaqanka Magaalada Hargeysa ayaa ka shaqeeyay sii deynta Wariye C/maalik Muuse Coldoon, waxaana soo dhaweeyay sii deyntiisa Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

 

somaliland