Afmadow-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xaalad cabsi ah laga dareemayo degmada Afmadow iyo deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose kadib markii boqolaal ka tirsan Al-shabaab oo aad u hubeysan ay ku dhawaadeen magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley oo ay maamulaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland.
Dad goob joogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala usheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland heegan la galiyay kadib markii ay ka war heleen dhaq dhaqaaqyo ay Al-shabaab ku doonayaan in ay ku weeraraan deegaanadaasi.
Boqolaal ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay inay fariisimo cusub ka sameysteen deegaanada loo yaqaano Caglibaax iyo Qalawilaha oo 25km dhanka galbeedka iyo Waqooyiga kaga kala beegan Magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Dadka ku dhaqan magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley ayaa waxa ay muujinayaan cabsi badan maadaama xiisado colaadeed ay halkaasi ka taagan yihiin.


